Sacuudiga oo lagu eedeeyay weerar Muhaajiriin Soomaaliyeed lagu laayay

Ilwareed Online –

Baraayaal ka mid ah Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay Xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga in ay ka dambeeyeen Weerar bishii March lagu laayay muhaajiriin Soomaaliyeed oo ku sugnaa Dalka Yemen.

Wakaalada Wararka ee Reuters oo heshay warbixin ka soo baxday baarayaasha QM ayaa lagu xusay in mas’uuliyada Weerarkaasi ay qaadaneyso Sacuudiga, maadaama Sacuudiga uu yahay hormuudka howlgalka ka socda Yemen.

Baarayaasha ayaa sheegay in Weerarkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 42 Ruux, islamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray 34 kale oo ka mid ah Soomaalidii saarneyd doonida la duqeeyay.

Balse Sacuudiga ayaa horey u beeniyay in Diyaradahooda Dagaalka ee qeybta ka ah Xulufada ay fuliyeen Weerarkaasi ka dhacay Dalka Yemen.

Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa inta badan lagu eedeeyaa Weerarada dhanka cirka ah ee ka dhaca qeybo ka mid ah Dalkaasi Yemen, iyadoo xusid mudantahay in Weeraradaasi dadka ku waxyeelooba ay u badan yihiin Shacab oo aan waxba galabsan.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Sacuudiga oo lagu eedeeyay weerar Muhaajiriin Soomaaliyeed lagu laayay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author