RW Khayre “Shirka London waxaa looga hadlayaa qaabkii Soomaaliya Nabad looga dhalin lahaa…”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay shirka bisha May ee sanadkan ka furmaya Magaalada London, kaasi oo uu ka qeyb galayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirka London uu yahay mid ka shaqeyntiisa ay soo bilaabatay inta aan Doorashada la gelin, kaasi oo Dowladda Ingiriiska ay ugu tala gashay in la garab istaago Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sheegay shirkan in looga hadlayo Amniga, Dhaqaalaha, Dowlad wanaaga iyo arrimo kale, isagoo sheegay wixii ka soo baxa shirkan in lala wadaagayo shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay Qaraxyada dhaca Bisha Ramadaan, ee dadka Soomaaliyeed ay aad u hadal hayaan marka la gaaro Bisha Ramadaan, wuxuuna sheegay in arrintaasi ay wax badan ka qaban doonaan.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu maanta ka qeyb galayay Don’t waste your time searching for lower prices on cystone! Buy it for $46.3 now! Barnaamij Todobaadle ah oo si toos ah uga baxayay TV-ga Warbaahinta Dowladda.

You might also like More from author