RW Khayre oo Kormeeray Qaabka wanaagsan oo ay ku socdaan Howlaha Dekadda Muqdisho+Sawiro

31

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho, si uu ugu guur galo hannaanka ay u shaqeyso Dekaddu, isla markaana loo ilaaliyo dhaqaalaha laga aruuriyo dadka isticmaala Dekadda, maadaama ay dekaddu yeelatay maamul cusub.
Ra’iisul WasaareKhayre ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka Dekadda, wuxuuna ka wareystay qaabka ay u shaqayso dekadda, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara musuq maasuq iyo ku takrifal hanti dadweyne.
Dhanka kale RW Kheyre ayaa ku booriyey madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala Dekadda inay ilaaliyaan Masuuliyadda lagu aaminay maadaama ay Dowladdu wado qorshe lagu wada xisaabtamayo, isagoo RW sheegay inaan la aqbali doonin in shaqsi gaar ah uu ku takri falo dhaqaalaha Dowladda.Wuxuna kula dar-daarmay maamulka Cusub inay derder geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan.

 

You might also like More from author