REER GUURAAGU, SIDEE U SOO DHACSAN KARAAN  XUQUUQDOODA DASTUURIGA AH?

Mar aan soo gaarey  Caasimada somaaliya, ayaan waxaan maqlayey in Wasiirka  wasaarada dastuurku, uu la kulmayey qeybo badan oo ka mid ahaa dadweynaha ku nool Caasimadda.Dadkaasi xuquuqdooda ayey kala hadlayeen wasiirka.  Anigu, in badan waxaan ka fakareyey sida ay xuquuqdooda usoo dhacsan karaan dadweynaha ku nool baadiyaha oo loo yaqaan “Reerguuraaga”, kuwaasoo ku nool dhulka ka baxsan magaalooyinka dalkeena soomaaliyeed. Dad kaasi waa dad tiro ahaan badan oo 5-6 Malyan  gaaraya, taasoo ah tiro  aan la dhayalsan kareyn. Reerguuraagu, waa dad iyagu shaqo abuurtay, iyagoo dhaqda xoolahooda,isla markaana aan ka helin Dawladaha soomaaliyeed wax mucaawano ah oo buuran. Sidaad dhammaan la socotaan dadkaasi ayaga ayaa isquudiya oo misana quudiya dadweynaha kale ee  ku nool beldaanka iyo tuulooyinka soomaaliyeed. Reerguuraagu waxay na siiyaan caanaha , hilibka iyo subagga xoolahooda,waxay beec geeyaan hargaha iyo xoolaha ruuxooda (Geel,Lo’,ari) kuwaasoo Dawladdu canshuurto halkii neefba marar badan  iyadoo Dawladda lacagaha soo gala kuwa xoolaha ka yimaadaa, ka badan yihiin, kuwa dawladdu ka hesho beeraaha Dalka.

Intaan joogey Caasimadda waxaan isu xilsaaray inaan la kulmo Wasiirka W.Dastuurka, si aan ugala hadlo arrimaha Reerguuraaga iyo xuquuqda loogu qori doono dastuurka hadda gacanta lagu hayo,nasiibdarro taasi iima suurta gelin.Markaa kadib ,waxaan akhriyey Dastuurka qabyada ah ee hadda lagu dhaqmo,waxana iisoo baxday inaan arki waayey arrintooda  qodob ka hadlaya,taasoo i gelisey shaki ah,in Reerguuaaga laga illoobey Dastuurka soomaaliyeed iyadoo Dastuurka lagu soo koobay inta deggan beldaanka oo ku nool wax soo saarka Reerguuraga soomaaliyeed. Waxaan isweydiiyey oo kale in Reerguuraagu yihiin muwaadiiniin soomaali ah? R.G. xuquuqda dadka muwaadiniinta  beldaanta deggan oo kale ma leeyhiin? Dastuurka qabyada ah waxa ku qoran in muwaadin kastoo soomaali ahi uu xaq u leeyahay waxbarasho bilaash ah ilaa dugsiga sare, marka Xoolo-dhaqata iyo caruurtoodu qodobkaasi ma taabanaya,waayo weli anigu  ma arag meel sidaa looga hirgeliyey oo reerguuraa ku noolyahay,taasoo ahayd waxa igu abuuray shakiga in dadkaas intaa tirada le’eg  xuquuqdooddii eeyan waxba ka heli doonin xitaa markii La dhammestiro Dastuurka cusub .Dadkaasi  sida lala socdo waxaa heysta oo ay ku jiraan xaalad gooni ah, waxayna u baahan yihiin in si gooni ah xaalkooda loo fiiriyo,iyadoo sidaad la socotaan xitaa kuwa deggan agagaarka Balcad oo nalka Caasimaddu habeenkii u muuqdo eeyan weligood  helin Dawlad soomaliyeed  oo iyaga iyo dhallaankooda  wax mucaawino ah u fidisay. Maxaa keenay inaan la tixgelin dadkaas gaaraya 6da malyan oo na quudiya iyagoo sidaa  xaqoodii ku waayey? Waxaa ila habboonaan lahayd in lagu daydo markey suurogal tahay sida Dawladaha Kenya iyo Tanzaniya oo gaarsiisey  waxbarashada iyo caafimaadka iwl. Dadweynaha reerguuraaga ah oo muwaadiniintooda ka mid ka ah.

Dhammeystirka Dastuurka hadda faraha lagu hayo waa in dadkaas xuquuqdooda meel la saaro iyadoo si   qeexan loo muujinayo,si markii Dawlad  arrimahooda wax ka qaban karta la helo, ay ugu dacwoon karaan, waxa ugu qoran Dastuurka dhammeystiran oo  kulminaya Ummadda soomaaliyeed.

                                        B-     Arrinta  Dib-u-heshiisiinta, oo iyaduna muhimmad weyn u leh Ummadda soomaaliyeed,ayaan rabaa ka muwaadin ahaan, inaan ka soo jeediyo talooyin dhowr ah,  iyadoo  aan filayo in shirarkii dhowaan Caasimadda  lagu qabtay ee ku saabsanaa arrintaas waxyaabo badan looga hadlay, inkastoo ay weli  dhimman yihiin  soo jeedinta Dadweynaha ku nool  Gobollada Dalkoo idil .   Talooyinka aan u soo jeedin lahaa madaxda iyo guddiyada arrimahaas ku hawlan waxaa ka mid ah:-

  1. In intaan la guda gelin Dib-u-heshiisiinta la siiyo Dadweynaha wacyigelin, taasoo lagu qeexayo muhimmadda ay  iyaga u leedahay in la heshiiyaa,waxana lagu bixin doonaa halkaas duruus la xiriirta    diinteenna ,  dhaqankeenna,  Dawladnimodeenna  iyo xag soomaalinnimo iyo xag taariikheed, iyadoo qasadku yahay in dad arrintaas u bisil markaas la  wada heshiisiiyo.
  2. In la diyaariyo garsoor lagu kalsoonaan karo, iyadoo la dhammeystirayo qeybaha kala duwan ee Garsoorka, si loo helo Garsoor lagu yaqaan caddaalad oo fulin kara awood ahaan,wixii lagu heshiiyey. Waa in cadaaladdu ka reyso qabyaaladda ina rogtey!
  3. In dadweynaha laga dhigo hubka ay iyagu isku dilayaan,markey rabaanna xagga Dawladda ay ula soo jeesanayaan.Micnaha Dawlad iyaduba daciif ah(oo laga qalab badan yahay) waxba ma heshiisiin karto!
  4. In dhallinyarada soomaaliyeed oo kala jooga gobollada Dalka iyo Caasimadda lagu bilaabo Dib-u-heshiisiinta iyadoo  gobolladaasi is weydaarsanayaan dhallinyaradaas, waxana  bixinaya makhaasiirta ku bixi doonta arrintaas Dawladda oo iyadu abaabuleysa arrinta Dib-u-heshiisiinta.  

Talooyinkaas aan kor ku soo qoray waa arrimo qaadan doona muddo,taasoo saamaxeysa inaan si xowliya ah loo dulmarin arrinta Dib-u-heshiisiinta, isla markaasna aan lagu fashilmin.

Qoralkan waxa soo diyaariyey,

Dr. C. A. karaani (DVM)

Taariikh: 15/7/2017  

You might also like More from author