Raila Odinga oo sheegay inuu ka baxayo Doorashada Madaxtinimada Kenya

Ilwareed Online

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in isaga iyo ku xigeenkiisa Kalonzo Musioka ay ka hareen tartanka doorashada ee dhammaadkan bishan.

Odinga wuxuu sheegay in dalabaadkooda aan la aqbalin ka dib go’aankii maxkamadda ee ay ku laashay doorashadii bishii August, iyadoo isbahaysigooda ay dalbadeen in qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashada la badalo.


Raila Odinga ayaa sheegay in Go’aankoodu ahaa in doorashada ku celiska ah lagu qabto hannaanka ay maxkamadda amartay, kaas oo uu dhigayo dastuurka dalka Kenya.

Warsaxaafadeed ay soo saareen hoggaamiyayaasha mucaaradka waxay ku sheegeen in IEBC ay si toos ah uga hor timi isbedelka muhiimka ah si loo xaqiijiyo in doorashada 26-ka bishan u noqoto mid xor iyo xalaal ah.

Mucaaradka ayaa guddiga doorashada ku eedeeyay inuu yahay meel uu maamulo xisbiga talada haya ee Jubilee.

Raila Odinga ayaa sheegay in Doorashada keliya ee Jubilee ay aqbalayaan ay tahay mid ay iyaga oo kaliiya ku guuleystaan, waxayna gudiga ugu baaqeen inuu joojiyo hannaanka qabashada doorasho ku celis ah, ayna billaabaan hannaan cusub oo doorasho lagu qabto.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Raila Odinga oo sheegay inuu ka baxayo Doorashada Madaxtinimada Kenya appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author