Raila Odinga oo qaadacay natiijada horu-dhaca ah ee doorashada Kenya

Ilwareed Online

Hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga ayaa qaadacay natiijada horu-dhaca ee ka soo baxday doorashada Madaxtinimada Kenya, iyadoo Uhuru Kenyatta uu illaa hada ku horeeyo tirinta cododka doorashadii shalay.

Raila Odinga oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in hanaan la isku haleyn karo aysan wali ka jirin foomamka qaar, waxaana uu been iyo wax aan jirin ku tilmaamay natiijooyinka horu-dhaca ee soo baxay.

Waxaa uu ku dooday inay jiraan foomam aan sax aheyn, sidoo kalena mishinada cod bixinta qaar ay shaqeyn waayeen, waxaa uu xusay inuu ku gacan seyrayo natiijada soo baxday ee illaa iyo hada la soo bandhigay.

Mr Odinga ayaa ku baaqay in la soo bandhigo foomamka 34 A iyo 34 B ee codeynta, taasoo uu ku tilmaamayo in wax badan ka qaldan yihiin sida uu ku doodayo.

 

 

Guddiga doorashada Kenya ayaa ku baaqay in laga war sugo natiijada kama dambeysta ah, waxaana maanta lagu wadaa in lagu dhawaaqo.

Uhuru Kenyatta ayaa illaa hada waxaa uu Raila Odinga ka sareeyaa codod dhan 7-milyan, halka Raila uu heysto illaa 5 milyan oo cod.

Waxaa laga cabsi qabaa in rabshado ay ka dhashaan mar kasa oo lagu dhawaaqo natiijad kama dambeysta oo wali dhinacyada loolanka ka dhaxeeyo aysan ku qanacsaneyn.

 



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Raila Odinga oo qaadacay natiijada horu-dhaca ah ee doorashada Kenya appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author