Ra’iisul Wasaare Khayre :Ciidanka AMISOM waxey u joogaan si ay shacabka Soomaaliyeed u difaacaan

Ilwareed Online –

Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeeyey askartii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay deegaanka Golweyn. Ciidankaas oo isugu jira kuwa AMISOM iyo ciidanka XDS oo difaacaya shacabka Soomaaliyeed.

wuxuu sheegay in ciidamadda Amisom ay Soomaaliya u joogaan in shacabka Soomalaiyeed ka difaacaan kooxaha argagaxisada ah

“Ciidanka AMISOM waxey ka yimaadeen dalalkooda si ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah oo caadeystay inay shacabka laayaan, isla markaasna doonaya in ay hor istaagaan horumarka ay dawladda iyo shacabku ku tallaabsadeen. Ciidanka AMISOM waxey diyaar u yihiin inay dhiiggooda u huraan wallaalahooda Soomaaliyeed, waana uga mahadcelineynaa sida geesinimada leh oo ay ugu soo gurmadeen dalkan.” ayuu yiri Xasan

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalalka Afrika ee ciidamadooda u soo direy Soomaaliya uga tacsiyeeyey, geerida ku timid, isagoo sheegay in huridda dhiigooda uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed ay uga mahadcelinayaan. Ciidamada AMISOM waxey wadanka u joogaan in dalku uu noqdo mid amni ah, iyadoo aan ognahay cidda diidan nabadda inay tahay kooxaha argagaxisada ah oo shacabka ka hortaagan inay nabad ku noolaadaan.

Malayshiyada ururka al-Shabaab ayaa wadada u galay kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM. Weerarka oo ka dhacay meel ku dhaw tuulada Golweyn waxaa lagu dhintay 12 askari , ciidamada AMISOM ayaa ku sii jeedey magaalada Buula Mareer ee gobolka Shabeelada Hoose.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Ra’iisul Wasaare Khayre :Ciidanka AMISOM waxey u joogaan si ay shacabka Soomaaliyeed u difaacaan appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author