Ra’iisul wasaaraha oo si deg deg ah loogu yeeray

Xubnaha Guddiyada joogtada ah ee Baarlamanka federaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay si deg deg ah ugu yeereen ra’iisul wasaaraha dowladda.

Guddiyada joogtada ah ayaa shir albaabada u xiranyihiin kula jira ra’iisul wasaaraha kaddib markii uu ajiibay wicitaanka xubanaha, waxaana shirkooda uu ka soconayaa xarunta Villa Soomaaliya.

Shirka ay albaabada u xiranyihiin ayaa arimaha Xasan Kheyre wax laga weydiinayo waxaa kamid ah hadalkii dhowaan ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud oo ku saabsanaa Baarlamanka, waxaana muuqanaysa in xubno xukuumadda kamid ah ay kicin bulsho ay wadaan.

Mudanayaal katirsan baarlamanka ayaa guddiyada joogtada ah ku war geliyay in arintan wax laga qabto iyaga oo muujiyay caradooda.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha uu doorbidi doono in uu raali gelin ka bixiyo hadalka ka soo yeeray Sheekh Baaruud.

Hadal xanaf watay oo ka soo yeeray Sheekh Nuur baaruud ayaa xubnaha u istaagay una sacab tumay waxaa kamid ahaa ra’isul wasaaraha oo goob joog ahaa xilli shiikhu ka hadlayay xaflad ka socotay Gen. Kaahiye.

Arinta ayaa dhalisay hadal heyn badan iyo xiisad siyaasadeed oo ku soo fool leh Xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyre.

The post Ra’iisul wasaaraha oo si deg deg ah loogu yeeray appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author