Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xarigga ka jaray waddo loogu magac daray Dr. Kadare + Sawirro

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xariga ka jaray Wado laami ah oo xariirisa Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdi Casiis oo dib u dhis lagu sameeyay laami Cusubna la saaray.

Wadadan Maanta xariga ka jaray Ra’isul No need to waste your time searching for a cheap benfotiamine anymore. We offer benfotiamine only for 49.76 USD! Wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegay in dib u dhiskeeda ka qeyb qaateen Ganacsato Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana wadan hada dib loo dhisay horey u aheed mid bur bursan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa magaca ka badalay wadadan cusub ee dib u dhiska lagu sameeyay oo horey loo oran jiray Bandar qaasim, waxaana wadadaan hada loo bixiyay magac cusub oo ah Kadare.

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa inta badan lagu sameeyay dib u dhis , waxaana la saaray laamiyo cusub oo qeyb weyn ka qaatay bilic soo celinta Caasimada, waxaana wali harsan oon laami la saarin Wadada 30-ka iyo Wadooyin kale oo kuyaala Muqdisho.

You might also like More from author