Qunsulka Masar ee Somaliya oo booqasho ku tegay Puntland

Madaxweyne K/xigeenka Puntland a Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa xarunta madaxtooyadda Puntland ku qaabilay wefti uu hogaaminayey Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy oo saaka Garoowe soo Gaaray

Kulan gaar ah oo ay wada qateen Kusimaha Madaxweynaha iyo Qunsulka ayaa ka dib ayaa Madaxweyne K/xigeenka Puntland wuxuu sheegay inay qunsulka kawada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Amniga, Caafimaadka, Waxbarasha, Korontadda, dib u soo celinta xiriirka ganacsi ee labada dhinac iyo sidoo kale kulamo ay weftigu la qaadan doonaan wasaaradaha Dawladda Puntland.

“Socdaalkoodani wuxuu daarnaa laba arimood oo ah dhinaca horumarka All of the finest Slimex deals are gathered at our store, and you can take advantage of it right now! Buy your medicine for only 2.26 USD and save on your purchase! iyo sidii ay u caawin lahaayeen dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degaanada Puntland” ayuu yiri Eng Camey

Qonsulka ayaa dhankiisa wuxuu ku amaanay dawladda Puntland mashaariicda horumarineed ee lagu kabayo kaabayaasha asaasiga ah iyo kuwa dhaqaalee ee Puntland kasocda gaar ahaan isha dhaqaalaha dawladda Puntland ee magaaladda Boosaaso, waxaana uu xusay in dalkiisa Masar uu diyaar u yahay dib u soo celinta xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeyey Masar iyo Soomaaliya.

Ugu dabambayntii, booqashadan ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Masar ay casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tago magaaladda Qahira.

You might also like More from author