QM oo ka xumaatay dilkii Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Soomaaliya.

Muqdisho: QM ayaa ka hadashay dilkii Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Soomaaliya Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji waxayna sheegtay falkaasi inuu ahaa mid laga Argagaxo.
Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay in falkaasi uu ahaa mid naxdin leh, isagoo sheegay inuu aad uga murugeysan yahay Geerida Wasiir Siraaji.
Keating ayaa Ehelada Marxuumka, Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya.
“Falkii Dilka ahaa Wasiir Siraaji wuxuu ahaa mid Argagax leh, naxdina leh, ani ahaan aad baan uga murugeysanahay, dhammaan Ehelada Marxuumka, Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed waan uga Tacsiyadeynayaa” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
Dhanka kale Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji ayaa ahaa Wasiirkii ugu da’da yaraa ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa Nin fir fircoon oo waxfarad ahaa.

Save big on your Gasex purchase and buy it for as low as 55.75 USD right now! Don’t waste another second!

You might also like More from author