QM oo ka hadashay Weerarada Burcad badeeda Soomaalida iyo digniino soo saaratay

Madaxa QM u qaabilsan la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya ayaa sheegay in ka bixitaanka Ciidamada NATO xeebaha bariga Afrika ay sababta ugu weyn ay tahay inay mar kale soo baxaan burcad badeeda Soomaaliya oo bilhii ugu danbeeyay qaaday weeraro ka dhan ahaa Maraakiibta biyaha badweynta india ku socdaasha.

Sarkaalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya QM u qaabilsan ALan Kol ayaa suxufiyiinta la hadlay wuxuuna sheegay inuu ka digaayo in Maraakiibta dagaal ee wali ku harsan biyaha Soomaaliya inay wadamadooda dib ugu laabtaan.

Dhanka kale 6-dii bilood ee la soo dhaafay ilaa lix dhacdooyin ayaa jira oo ay burcad badeedu Sameeyen kadib daganaanshiyo laga dareemay 5 sano xeebaha Soomaaliya.

 

 

The post QM oo ka hadashay Weerarada Burcad badeeda Soomaalida iyo digniino soo saaratay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author