Qaar kamid ah xildhibaanada galmudug ayaa df somaliya ku eedeeyay mushkilada hareysay maamulka galmudug

Ilwareed Online

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo lagu magacaabo Qaasim Maxamed Cali ayaa ku eedeeyay Madaxda dowladda inay faragelin ku hayaan maamulka Galmudug.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ku lug leeyihiin khilaafka siyaasadeed ee ka jira Galmudug, isagoo ugu baaqay inay joojiyaan.

“Waxaa rabaa inaan halkan ka cadeeyo in Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay fara gelin ku hayaan Galmudug oo ay qorsheynayaan inay dumiyaan maamulka”ayuu yiri Xildhibaan Qaasim oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu xusay ciidamo iyo tikniko laga soo kireysanayo deegaanada kale ee Galmudug, si fowdo iyo qas looga abuuro Cadaado.

Xildhibaanadii iyo Senataradii waan waanta u tagay Cadaado ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada iyo Xukuumadda ay qeyb ka yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka jira Galmudug.

 

Xiisada ka jirta Cadaado ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay cirka isku shareertay, kaddib markii ciidamo aan ka amar qaadan Galmudug ay gudaha u soo galeen, waxaana wararku sheegayana in ciidamadaas ay ilaalinayaan Siyaasiga Axmed Shariif oo horay uga mid ahaa Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha Galmudug.

 

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Qaar kamid ah xildhibaanada galmudug ayaa df somaliya ku eedeeyay mushkilada hareysay maamulka galmudug appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author