Putin oo amray 755 Diblumaasiyiin Maraykanka ah inay ka baxaan dalka Ruushka

Ilwareed Online –

Ruushka ayaa illaa 1da bisha September u qabtay Maraykanka inay kala baxaan diblumaasiyiintaas safaaradooda Moscow, arrintan oo looga jawaabayo cunaqabateyn uu ansixiyey Baarlamaanka Maraykanka in la saaro dalka Ruushka.

 

Labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanka ayaa ansixiyey in cunaqabateyn horleh la saaro Ruushka taasi oo jawaab u ahayd farogelintii la sheegay inuu Ruushka ku sameeyey doorashadii Maraykanka ee 2016 iyo waliba dagaalada uu Ruushka ka wado Ukraine iyo Siiriya.

Putin ayaa sheegay in ay hada ka dhamaatay dulqaadkii isla markaana ay lama huraan noqotay in jawaab laga bixiyo tilaabooyinka ay Maraykanka qaadeen, wuxuuna sheegay in xiriirka labada dal uusan mudooyinka soo socda uusan hagaagi doonin.

“….In badan baa sugeynay inay xaalada isbedasho oo ay wanaagsanaato xiriirka labada dal, balse taasi ma dhicin, mana fileyno in dhawaan arrintan wax iska bedalaan….” ayuu yiri Putin oo Axadii shalay wareysi siiyey telefishinka dowlada Ruushka.

Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegi doonaan labo guri oo ay Safaarada Maraykanka ku leedahay dalkooda taasi oo looga jawaabayo la wareegidii Maraykanka la wareegay guryo Ruushka uu ku lahaa Maraykanka, tilaabadaasi oo ay horey u qaaday xukuumadii Obama bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

Tirada Diblumaasiyiinta Maraykanka ee Moscow laga saarayo ayaa ah kala bar shaqaalihii Safaarada Maraykanka ee wadankaasi Ruushka.

Xukuumada Moscow ayaa sheegtay inay sidoo kale weli ka fekerayso inay xayiraad kale oo dheeraad ah sii saarto Maraykan



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Putin oo amray 755 Diblumaasiyiin Maraykanka ah inay ka baxaan dalka Ruushka appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author