Puntland oo Garowe ku qabatay Dhalinyaro ku biiri rabay Shabaab.

Saraakiisha Amaanka Maamulka Puntland ayaa Magaalada Garowe ku soo bandhigay 14 wiil oo dhalinyaro ah kuwaas oo ku biiri rabay Al-shabaabka ka dagaalama Buuraha galgala.

Dhalinyaradan ayaa lagu qabtay koontarool lagu baaro gaadiidka oo ku yaala duleedka Garowe, iyadoo lagu soo qaaday gaari shabaqle ah.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Amniga Puntland ayaa sheegay in qabashada dhalinyaradan ay doonayeen inay ku biiraan Al-Shabaab.

Sawiradan dhalinyaradan ayaa lagu soo bandhigtay barta Facebook ee ay leeyihiin Ciidamada Amniga Puntland ee loo yaqaano PSF.

Warar la helayo ayaa sheegaya in dhalinyarada laga qabtay duleedka magaalada Garowe inay Tahriib u socdeen.

Puntland ayaa hore u sheegtay dhalinyaro ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi in Al-shabaab ay ku biirayaan balse ay ka hor tagi doonto kuwa qorsheynaya in ay ka mid noqdaan Al-shabaab.

The post Puntland oo Garowe ku qabatay Dhalinyaro ku biiri rabay Shabaab. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author