Puntland: Faroole oo Luuqad Adag Ugu Jawaabay Gaas Hadalo Laga Jeediyey Shirkii Beesha Leylkase Ee Garoowe *Daawo*

Ilwareed Online –

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland kana mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee dowladda Federaalka Soomaliya ayaa ka jawaabay hadal ka soo baxay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabduweli Gaas ee ahaa in Dastuurka Puntland ay ku dulman yihiin Beelaha qaar ee Puntland.

Faroole ayaa sheegay in Dastuurka Puntland uusan aheyn mid ku dhisan hab qabiil balse uu yahay mid ku dhisan hab deegaan islamarkaana laga doonayo in ay joojiyaan Beelaha cabanaya maadaama uu dastuurka Puntland wajiyo badan soo maray.

Farole ayaa khudbadiisa ku beeniyay hadal shalay kasoo yeeray wasiirkii hore ee howlaha Guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi kaasoo sheegay in dastuurka Puntland dhowr jeer wax laga badalay islamarkaana u gogol xaarayay codsi beesha Tanade ku raadinayso in la kordhiyo tirada golaha Wakiillada. “Hadalkii Cabdirashiid waa Been Dastuurka waligiis waxba lagama badalin”

Cabdiraxmaan Farole oo gacanta ku haystay Dastuurka Puntland, ayaa ka sheekeeyay qaabkii lagu qaybsaday Xildhibaanada iyo sida gobollada Puntland loogu qaybiyay iyadoo lagu salaynayay deegaan, isagoo tilmaamay in ciddii tabasho qabta ay u raadsadaan gobolka ay kasoo jeedaan.

Waxa uu sheegay in marnaba aan wax isbedel ah lagu sameyn doonin Dastuurka oo in badan laga fikiray sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkaan ayaa Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole waxa uu sheegay xili Maanta uu ka qeybgalayay Munaasabad lagu daahfurayay Xarunta Cusub ee Wasaarada Maaliyada Puntland.

 

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

The post Puntland: Faroole oo Luuqad Adag Ugu Jawaabay Gaas Hadalo Laga Jeediyey Shirkii Beesha Leylkase Ee Garoowe *Daawo* appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author