Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Beelihii ku dagaalamay Cadale oo isugu yimid Jowhar

Ilwareed Online –

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa soo sheegaya in magaalada ay soo gaarayaan Odayaal iyo Waxgarad ka soo kala jeeda Beelihii ku dagaalamay Degmada Cadale ee gobalkaasi kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dhex-dhaxaadinta labada Beelood.

Odayaashaan ayaa Jowhar ku yimid kadib markii maamulka Hirshabeelle uu Iclaamiyay in maalinta Axada ah Magaalada Jowhar lagu qaban doono Gogal Nabadeed oo lagu soo Afjarayo Colaadda Gobalka.

Madaxweyne ku Xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa maalmo ka hor Jowhar ka sheegay in Odayaasha ka soo jeeda Beelaha Dagaalamaya iyo Maamulka Hirshabeelle ay ku heshiiyeen in Jowhar ay marti giliso Gogal nabadeed oo loo qabto Colaadda degmada Cadale.

Beelaha wada degan degmada Cadale ayaa dagaalkooda soo laab laabtay waxaana ku dhintay dad badan halka kuwa kalane ay ku dhawaacmeen, sidoo kale Boqolaal Shacab ah ayaa ku barakacay Colaadaasi.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Beelihii ku dagaalamay Cadale oo isugu yimid Jowhar appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author