Ninkii dadka ku laayey Jarmalka oo la aqoonsaday

Ilwareed Online –

Ninkan weerarka qaaday ayaa la sheegay in loo diiday magangelyadii uu dalbaday, waxaanu u dhashay dalka Imaaradka Carabta. Jimcihii ayaanu dad macmiila oo tukaankaa wax ka iibsanayey la dhex qaaday toorray.

Ninka qofka ku dilay toorayda lixda kalena ku dhaawacay tukaanka ku yaal magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ayaa boolisku sheegeen in uu ahaa “Islaami xag jir ah”.

“Wuxu ahaa nin Islaami xag jir ah laakiin jihaadka uma heellanayn” ayuu yiri af-hayeenka booliska Andy Grote, waxaanu farta ku fiiqay in ninkan weerarka qaaday uu qabay “xanuunnada nafsaaniga ah”.

Boolisku waxay sheegeen in uu falkaa keli ku haa oo markii dambena ay dad shacaba oo goobta joogay iskugu tageen oo qabteen.

Waa 26 jir waxaanu qabay xanuunnada maskaxda ku dhaca sida ay saraakiil shir jaraa’id ka hadashay sheegeen.

Boolisku waxay ammaaneen saddexda nin ee ku dhiiraday ninkaas toorrayda sitay in ay qabtaan oo ay ku sheegeen geesiyaal.

Haweeney 50 jir ah iyo afar nin oo da’doodu u dhaxayso 19 ilaa 64 ayaa uu toorrida la dhacay, nink kale oo 35 jir ahna isagoo qof dhaawacmay qaad is leh ayuu isagan dhaawacay ninka dadka weeraray.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Ninkii dadka ku laayey Jarmalka oo la aqoonsaday appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author