Ninka ugu da’da weyn shacabka Kenya ee codeeyay oo noqday Soomaali

Ilwareed Online

Shacabka dalka Kenya ayaa dhiibtay codkooda, iyadoo natiijada kama dambeysta ah laga sugayo guddiga doorashooyinka dalkaasi, ayaa dareenka musharaxiinta iyo guud ahaan dadweynaha Kenyaanka ah waxaa soo jiitay laba oday oo is dhalay isla markaana ahaa oday 100-jir ah oo ka tirsan Soomaalida Kenya ee degan gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan magaalada Wajer.

Odayga 100-jirka ah oo lagu magacaabo Axmed Cali ayaa waxaa garbaha ka hayay wiilkiisa oo 7-jir ah, kuwaasi oo iyagu ka qeyb qaatay cod bixinta doorashooyinka madaxtinimada wadankaasi Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa bilaabay inay soo tebiyaan natiijada doorashooyinka oo ay isugu soo hareen laba musharax oo kala ah: Uhuru Kenyatta Madaxweynaha hadda haya talada dalka Kenya iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Doorashooyinka oo ka dhacay guud ahaan gobolada dalka Kenya ayaa waxaa socota tirinta codadka, iyadoo la saadaalinayo inuu ku horeeyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin musharaxa ku guuleystay madaxweynenimada dalka Kenya.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Ninka ugu da’da weyn shacabka Kenya ee codeeyay oo noqday Soomaali appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author