Neymar oo Todobaadkii Qadandoona £500,000 oo Canshuurta Banaanka Ka Ah

Ilwareed Online –

Wararka laga helayo dalka France ayaa sheegaya in ugu danbayn lasoo gaba gabeeyey heshiiska Xiddiga dalka ee Neymar uu ugu wareegayo kooxda dalka France ee PSG.

Kooxaha Barcelona iyo PSG ayaa soo wada Saaray war ay ku sheegayaan in Cayaaryahankaas ay ku kala iibsadeen lacagtii ugu badanayn ee abid lagu iibsado Xiddig kubada Cagta ah taas oo gaareysa £198m.

Neymar ayaa lasheegayaa in uu Saxiixi doono Jimacaha heshiiska uu ugu dheelayo Kooxda PSG waxaana uu qaadan doonaa Todobaadkii sida lacadeeyey £500,000 oo Canshuur o dhan banaanka ah isaga oo kooxdaas u qaadan doona Nambarka 10 aad oo loo diyaariyey Goor hore.

Cayaaryahanka dalka Braziil ee Neymar ayaa dhamaan jabiyey Rikooradii u yaalay Kubada Cagta hadii ay ahaan lahayd Xiddiga ugu qaalisan iyo kan ugu mushaarka badan dhamaan inta ka dheesha qaarada yurub waxaana heshiiskiisa lagu sheegay in uu ahaa mid qiyaali ah oo ay layaabeen dhamaan shucuubta Caalamka.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Neymar oo Todobaadkii Qadandoona £500,000 oo Canshuurta Banaanka Ka Ah appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author