M/weynaha Hirshabelle oo Si Cad u Sheegay In La Dhacay Ganacsatada Beledweyne *Daawo*

Ilwareed Online –

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa sheegay in la dhacay dadka ganacstada ah ee ku nool Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne Cosoble, wuxuu ka sheegay Magaalada Baledweyne, kadib markii uu kulan la qaatay ganacsatada Magaalada Baledweyne ee la siiyay lacago Shilin Somali faalso ah, kadibna laga qaatay lacago doolar ah.

Cosoble, ayaa tilmaamay Maamulka Puntland inay ka doonayaan magdhaw ku aadan lacagaha faalsada ah ee deeganada Hirshabelle soo galiyeen, maadaama Puntland ay ka yimaadeen lacagahaasi.

“Waxaan halkaan ku aragnaa waxaa waaye umad dhacan, umad hantidooda nool laga qaatay looguna bedalay waraaqo lasoo sameeyay, xaqiiqda waxay tahay ganacsiga ugu badan dadkaan waxay la leeyihiin dowlad goboleedka Puntland, waxay dadkaan ka marqaati ka cayaan in lacago been abuur ah lagu daabacayey Puntland in wax looga iibsan jiray dowlad goboleedka Hirshabelle ka hor, laakiin nasiib darro lacagihii sidaasi ahaa oo maalin walbo hantidooda ku bedalanyey la yiraahdo raali ahaada cid qaadaneysa malahan.” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.

Ganacsatada Magaalada Baledweyne, ayaa soo bandhigay lacago badan oo Shilin Somali faalso ah, kuwaasi oo ka socon waayay Magaalada gudaheeda, ganacsatadana ay ku khasaareen.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post M/weynaha Hirshabelle oo Si Cad u Sheegay In La Dhacay Ganacsatada Beledweyne *Daawo* appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author