Muqdisho oo maanta Lagu Toogtay Qoys Baabuur Wada Saarnaa

Ilwareed Online

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow Dhacdo naxdin leh ay ka dhacday magaalada ka dib markii Qoys ka koobnaa 7-ruux lagu rasaaseeyay gaari ay saarnaayeen.

Falkaan naxdinta leh ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Digfeer Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wararka aan haatan heleyno waxay sheegayaan inay ku geeriyoodeen Sedex qof oo ahaa Labo wiil iyo gabar oo dhamaantood ahaa dhalinyaro yar yar.

Baabuurkaan oo lagu dhuftay rasaas aad u badan ayuu darawalkii waday oo dhaawac ah wuxuu ku guuleystay inuu si deg deg ah usoo gaaro Isbitaalka Digfeer oo ay gacanta ku hayaan dhakhaatiir kasoo jeedo dalka Turkiga.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Muqdisho oo maanta Lagu Toogtay Qoys Baabuur Wada Saarnaa appeared first on Ilwareed Online.

}

You might also like More from author