Mudane ka ntirsan Aqalka Kongress-ka Maraykanka oo toogasho lagu dhaawacay

Stephen Scalise oo ka tirsan Xibiga Jamhuuriga kana mid ah aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa lagu dhaawacay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, kadib markii nin hubeysan oo rasaas ku furey.

Toogashada ka dhacdey Alexandria waxaa ku dhaawacmey shan qof oo kale, sida Booliska magaaldaasi sheegeen, waxaana rasaastu bilaamatey xili Xildhibaanku isu diyaarinaayey ciyaarta Budhka lagu ciyaaro ee Baseball oo sanadle ah.

Dhaawaca Congressman Stephen Scalise ayaa la dhigey isbitaalka waxaana lagu sameeyey qalniin, Xafiiska Stephen Scalise ayaa warbaahinta Maraykanka qaarkeed u sheegay in xaaldda Xildhibaanku ay tahay mid aan khatar ahayn oo sugan.

Booliska magaalada Alexandria ayaa sheegay in ay qabteen ninkii weerarka geystey.

The post Mudane ka ntirsan Aqalka Kongress-ka Maraykanka oo toogasho lagu dhaawacay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author