Mooshin ka dhanka ah xukumada Khayre yaawada?

Ilwareed Online –

Waxaa maanta iska horimaan dhexmaray ciidamada NISA iyo Ciidan sheegtey inay yihiin Militeriga oo magaalada muqdisho in laga saaro diiday. Ciidankaas waxay dileen Sargaal ka tirsan ciidamada NISA iyo Seddex ilaalo u ahaa.

Sargaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Ciise Xasan Caraale (Jiijiile) ayaan wali la aqoon sababta lagu dilay. Wuxuu ahaa Marxuunku nin karti badan oo aad ula dagaalamay kooxaha alshabaabka ilahay ha u naxariistee.

Waxaan wada og nahay in koox kamida golaha barlamaanka ay wadaan mooshin looga soo jor jeedo xukumada Raysal wasaare khayre.

Kooxdaa ayaa sheegtay in dhibaatada maanta dhacday ay daliil cad u tahay Qorshe xumida Xukuumada iyo Hay’adaha amniga.

Waxaan Falanqeyn tayda ku tilmaamayaa in wali jiro mucaaradnimadii dadban oo kooxa siyaasada sida Daljir iyo Damuljadiid oo ah Rag dan gaara magac kooxeed ku wata.

Sow in la isweydiiyo ma haboona xukumada Raysal wasaare khayre waxbaden oo wanaagsen ayey sameysay iyadoo wali lixbilood buuxin sow in lagu amaano maaha.

Mooshinkasta oo ay kooxdan inku daydo waxaa gaashaanka ku dhufanaya bulshada soomaaliyeed inteeda badan oo taageero weyn u haysa Xukuumada curdinka ah ee Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Qore maxamed caalim



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Mooshin ka dhanka ah xukumada Khayre yaawada? appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author