Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabelle oo Jowhar ka socda

Ilwareed Online

Qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa doonaya in ay xilka ka xayuubiyaan Madaxweynaha kumeelgaarka ah ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Mooshinka waxaa hadda ka mid noqdey koox wasiiro ah oo xilka iska casiley si ay qayb uga noqdaan xil ka xayuubinta Hirshabelle.

Wasiirada Xilka iska casiley ayaa gaaray 10 wasiir waxaana ay si xawli ah hadda u wadaan xil ka xayuubinta Madaxweynaha Hirshabelle.

Mooshinkan ayaa la sheegayaa in uu haysto aqlabiyad xilka looga xayuubin karo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi, waxaana lagu soo eedeeyey xil gudasho la’aan, ka maqnaanshihiisa xarunta maamulka ee Hirshabelleku tumasho Dastuurka maamulkaasi dhigteen, iyo isku dirka beelaha maamulka wada dhistey kadib markii uu degmooyin aad u badan u magacaabey Hiiraan.

Hirshabelle oo dhibaato xoogan laga soo marey dhismihiisi ayaa lahayn haykal maamul, mana jiro hay’ado maamulkaasi lee yahay oo si rasmi ah ugu shaqeeya magaalada Jowhar oo xarun u ah.

Waxaa la is weydiinayaa muxuu yahay raadka uu reebayo haddii Cosoble xilka laga qaado.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabelle oo Jowhar ka socda appeared first on Ilwareed Online.

}

You might also like More from author