Millatariga Kenya oo sheegay inay dileen 5-ka mid ah Maleeshiyada Al-Shabaab.

Ilwareed Online

Milatariga Kenya ayaa Isniintii sheegay inay ka hortagayeen weeraro argaggixiso oo ay ku dileen shan ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab deegaanka Howdka ah Boni ee Koonfur-galbeed Kenya.
Afhayeen u hadlay milateriga Kenya Colonel David Obonyo ayaa sheegay in askarta Kenya ay Baacsanayaan xagjiriinta, isla markaana ay weerar ku qaadeen iyaga oo jooga koofurta horaanta Isniinta.


“Maanta howlgallada Ciidamada Difaaca Kenya ee ku saabsan Hawlgalka Boni waxaan ku dilnay shan ka tirsan argagixisada Al-Shabaab waxaana soo qabanay lix qori AK-47, 321 rasaas ah, afar Bam gacmeed iyo qalab kala duwan,” ayuu yiri Obonyo.
Afhayeenka Maleteriga u hadlay wuxuu sheegay inay ahayd aag isku mid ah oo ay al-Qaacida ku xiran yihiin xagjiriinta al-Qaacida,saddex qof bishii Agoosto iyo afaraad bishii Sebtembar.
Bishii Agoosto, millatariga Kenya ayaa dadka degaanka ku nool ka codsaday inay ka baxaan kaynta Boni si loogu diyaar garoobo in Bambooyin culus oo loogu talagalay inay ku tirtiraan dagaalyahannada Al-Shabaab.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Millatariga Kenya oo sheegay inay dileen 5-ka mid ah Maleeshiyada Al-Shabaab. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author