Midowga Yurub oo beeniyay in shil uu galay mid ka mid ah maraakiibtooda ku sugan Xeebaha Somaliya

Hawlgalka Midowga Yurub ee Xeebaha Somaliya, ayaa beeniyay in shil uu galay mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka ee ku sugan Xeebaha Somaliya.

Warbaahinta qaybteeda, ayaa xalay baahisay in qarax xoogan laga dhex maqlay mid ka mid ah maraakiibta shisheeye ee ku sugan Xeebaha Somaliya.

Bulshada kudhaqan deegaanka Marcanyo ee Gobolka Bari, ayaa sheegay inay maqleen qarax xoogan oo ka dhashay mid ka mid ah maraakiibta Midowga Yurub ee halkaasi ku sugan.

Qoraal uu Twitter soo dhigay hawlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda Somalida, ayaa waxaa lagu sheegay inaanu jirin wax shil ah oo dhacay.

EU NAVFOR, ayaa qoraalka ku cadeeyay in dhammaanba shaqaalahooda kaga sugan biyaha Somaliya, ay xaaladoodu wanaagsan tahay.

The post Midowga Yurub oo beeniyay in shil uu galay mid ka mid ah maraakiibtooda ku sugan Xeebaha Somaliya appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author