Midowga Afrika oo Deeq raashin ah ku wareejiyey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

Ilwareed Online

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Madeira, ayaa Deeq ka kooban Bariis, Sokor, Digir, Saliid iyo noocyo kale oo Raashin ah ku wareejiyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo guddoonsiiyey Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee XFS, Mudane Maxamed Macalin.


Danjire Fransisco Madeira, Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in deeqdaan ay ka timid Midowga Afrika, wuxuuna sheegay in loogu tala galay in lagu caawiyo dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool gobolada dalka Soomaaliya.

Ergayga ayaa Barrtiisa Twitter-ka ku qoray in deeqda ka timid Midowga Afrika ee loo soo diray Soomaaliya ay tahay 67 tan, Qarash ahaana ay ku baxday Lacag dhan 100,000 oo Lacagta Mareykanka ah, isagoo sheegay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay garab istaaga Ummadda Soomaaliyeed.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Midowga Afrika oo Deeq raashin ah ku wareejiyey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author