Mid ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay oo Yaxaas ku cunay xerada Xalane

Sarkaal ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ay ku leedahay gudaha xerada Xalane ayaa dhaawac culus ka soo gaaray Yaxaas ku sugnaa xeebta xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xafiiska UNSOM ninkaasi ayaa isku dayay inuu dabaal u tago xeebta xerada Xalane, kaddibna Yaxaas ayaa soo weraray kaasi oo ka goostay lugta midig.

Ciidamada AMISOM ee iyagu ku sugan xerada Xalane ayaa u gurmaday sarkaalkaasi oo dhaawacan isla markaana yaala xeebta, iyadoo la dhigay isbitaalka ciidamada AMISOM.

Wararka ayaa waxay Don’t think that if you haven’t found an affordable solution for your actos purchase, there’s no such thing, because we offer it only for 0.54 USD! intaasi ku darayaan in dhaawaca sarkaalkaan saakay loo qaaday magaalada Nairobi halkaasi oo lagu dabiibayo, sida uu sheegay John Mark oo ay ka wada tirsan yihiin xafiiska UNSOM.

You might also like More from author