Maxkamadda sare oo mar kale dil maanta ku xukuntay ninkii dilay Wasiir Siraaje

Ilwareed Online –

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku xukuntay askarigii dilay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Cabaas Siraaji, kaasoo racfaan ka qaatay xukunkii dilka ahaa ee

 

Maxkamadda darajada koowaad ku riday 19-kii bishii June.

Axmed C/llaahi Cabdi oo 29 jir ah oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrkii Guud, isla markaana uu ahaa ninkii toogtay Wasiir Cabaas Siraaji ayay Maxkamadda sare laashay racfaankiisa, iyadoo ku xukuntay dil.

Maxkamadda sare ayaa ku raacday xukunkii ay horay u riday Maxkamadda darajada koowaad, iyadoo uu ku guuldareystay eedeysanaha racfaankii uu ka qaatay xukunkii hore.

Wasiir Cabaas Siraaji ayaa la dilay horaantii bishii May, kaddib markii laga toogtay gaari ay saarnaayeen Ilaalada Hanti dhowrkii Guud.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Maxkamadda sare oo mar kale dil maanta ku xukuntay ninkii dilay Wasiir Siraaje appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author