Maxkamadda Sare Galmudug oo Goordhow Go’aan ka gaartay Khilaafkii Maamulkaasi=Qoraalka Maxkamadda=

Ilwareed Online

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee maamulka Galmudug goor-dhaw soo saaray Go’aanka ay Maxkamadda sare ka qaadatay Khilaafkii u dhaxeeya Madaxda Maamulkaasi.
Gudoomiyaha Maxkamadda sare Dr Yaxye Sheekh Cali Maxamed ayaa go’aamiyay inay sax tahay Xil ka qaadistii Xubno ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi ay ku sameeyeen Madaxweyne Axmed Ducaale Geele halka Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaankana uu xilkiisa ku waayay maqnaansho mudo ka badan 100 maalmood.
Dhanka kale Maxkamadda sare Galmudug ayaa sheegtay in xil ka qaadistii sidoo kale lagu sameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, iyadoo Maxkamadda sare Galmudug ay sheegtay in Madaxweynaha KMG ah ee Galmudug uu yahay Gudoomiye ku xigeynka 2-aad ee Baarlamaanka maamulkaas.
Go’aanka Maxkamadda Sare ee Galmudug :

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Maxkamadda Sare Galmudug oo Goordhow Go’aan ka gaartay Khilaafkii Maamulkaasi=Qoraalka Maxkamadda= appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author