Maxkamadda sare ee Mareykanka oo ogolaatay qeybo ka mid ah xayiraadaha safar dalalkii horey loogu rogay

Maanta oo isniin ah ayaa maxkamadda sare ee dalka Mareykanka waxaa ay ogolaatay in qeybo xaddidan oo ka mid ah xayiraaddahihii socdaal ee lugu soo rogay lix waddan oo Muslim ah ay dhaqan galaan. Maxkamada ayaa sidoo kale dib eegeeysi ku sameeyn doonta awooda guud ee madaxweyne Trump ee arrimaha.

Qariirad muujineeysa dalalka xayiraada safarka uu ku soo rogay Trump.

Go,aanka maxkamada oo qeybo loo kala qaaday ayaa ku xusan in dadka xirriirka la leh Mareykanka sida ineey ehelo ka joogaan ama xirriir ganacsi iyo mid hey’adeed kala dhaxdeeyo ay muwaadiniintooda soo gali karaan Mareykanka, halka kuwa iyagu haba yaraatee aan xirriir kala dhaxeeyn lugu qaadi doono sharcigii xayiraada Trump ku soo rogay muwaadiinta u dhashay lixda wadan ee muslimiinta ah oo Soomaaliya ka mid tahay. Arrimahan ayaa salka ku heeyso sideedaba walaac uu Mareykanka ka qabo dadyowga Muslinka ah, tanoo ah mid ka soo hor jeeda dastuurka dalkaasi ee dhigaya inaaan cidna midab soooc ama takoor loogula dhaqmi karin.
Somaliweyn/Wakaaladaha wararka

The post Maxkamadda sare ee Mareykanka oo ogolaatay qeybo ka mid ah xayiraadaha safar dalalkii horey loogu rogay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author