Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee DFS oo lagu wareejiyay Rag la sheegay in ay ka dambeeyay Dilkii Wasiir Cabaas

Maxkamada ciidamada qalabka sida dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu wareejiyay labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia kuwaas oo la sheegay in ay ka dambeeyeen dilkii xalay magaalada Muqdisho loogu geestay Wasiirkii howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumada Soomaaliya.

Labada askari oo katirsan  ilaalada Hanti dhowraha qaranka Dr Nuur Faarax waxaa xalay xiray ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya, waxaana askartan lagu sameeyay baaritaano ku aadan dilka la sheegay in ay u geesteen Wasiir Cabaas Siraaji.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa si deg deg ah loogu wareejiyay labadan askari ee ku eedeesan dilka Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, waxaana la filayaa in Maxkamada ciidamada qalabka sida si deg deg ah looo saaridoono labadan askartan ee ku eedeesan falka dilka ah.

Wali waxaa  socda baaritaano ay wadaan laamaha amaanka dowlada Soomaaliya kaas oo ku wajahan  dilkii xalay agagaarka xarunta Madaxtooyada loogu geestay Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumada Somalia Cabaas Siraaji, mana jiraan wax faah faahin ah oo laga soo baxay baaritaanka laamaha ammaanka.

Madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya If you’re reading this ad, than you’re searching for affordable Shatavari deals. We offer it for 68.25 USD, so get it now! ayaa si isku mid ah u cambaareeyay dilka loo geestay Wasiirkii ugu dhalinta yaraa Xukuumada Soomaaliya, waxa ayna ku baaqeen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dilkaasi cadaaladana la horkeeno dadkii ka dambeeyay.

You might also like More from author