Maxkamad Ku Taala Mareykanka oo Xukuntay Gabdho Soomaali ah oo Shabaabka lacago u uruurin jiray.

Laba gabdhood oo lagu eedeeyay inay internet-ka, ka sameeyeen qol lagu sheekeyo “Chat room”, kaas oo Don’t you want to save on your benadryl purchase instead of spending a premium? You can do it with us, buying benadryl for 2.41 USD! lacag kumanaan kun ah loogu uruuriyay xarakadda Al-Shabaab ayaa lagu xukumay xabsi.


Gabdhaha la xukumay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Muna Osman Jama, oo 36-jir ah, iyo Hinda Osman Dhirane, oo 46-jir ah, iyadoo Muna gabadha lagu magacaabo lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah, halka Hinda lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah.
“Haweenkaasi ma diidin inay dhaqaalo ku taageereen Al-Shabaab, islamarkaana internet-ka ka sameeyeen qol lagu sheekeysto si Al-Shabaab loogu taageero lacag”, sidaasi waxaa yiri xeer ilaaliyaha.
Dhanka kale Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukunka ku riday gabdhahaasi oo ka soo jeeda Soomaaliya, iyadoo Qareenada Difaacaya Muna Cusmaan Jaamac iyo sidoo kale Hinda Cusmaan Dhiirane uu sheegay in lacagaha ay u direen dad ku nool Soomaaliya oo aan aheyn Shabaab.

You might also like More from author