Maxay tahay Sababta dib loogu dhigay Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug?

Saraakiil ka We’ve got the most cost effective deals for medicines you can find! You can get Evecare only for 45.56 USD right away! tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in dib loo dhigay Caleema Saarka Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale Xaaf oo lagu waday in maanta lagu caleemo Saaro Magaalada Cadaado.

Sababta dib loogu dhigay Caleema Saarka ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka ka maqan, isla markaana lagu waday in uu ka qeyb galo Caleema Saarka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagi doona Magaalada Cadaado si uu uga qeyb galo Caleema Saarka sidoo kale waxaa ka qeyb gali doona Caleema Saarka Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyada.

Kooxda Qabanqaabada Caleema Saarka Madaxweynaha ayaa shalay gaaray Cadaado.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa in Madaxweynaha la caleema Saari doono 27-da bishaan.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ayaa waxaa la doortay Saddexdii Bishaan , waxaana looga fadhiyaa in uu ka shaqeeyo midnimada Shacabka degan gobolada Dhexe.

You might also like More from author