Maxamed Caalim “R/W Xassan Kheyre oo u muuqday in uu si toos ah ugu hanjabayay Madaxda Maamul gobaleedyada…”

#Ilwareed Online #

Maxamed Caalim “iyadoo dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay wajaheyso culeys siyaasadeed oo kaga imaanaya dhanka dowlad gobaleedyada ayaa arintaasi waxaa aad kaga carooday R.wasaaraha Soomaaliyeed oo howshiisa aheyd in dowlada iyo maamul gobaleedyada uu ka dhex sameeyo xariir wanaagsan wixii cabasha ahna uu miiska wadahadalka ku xaliyo”.

Aqoon-yahan ka faallooda Arimaha Soomaaliya Maxamed Caalim ayaa Falanqeeyay khudbada R/wasaraaha Soomaaliya uu ka jeediyay Dabaal daga Habeenkii Calanka Soomaaliyeed waxanaa uu tooshka ku ifiyay hadalada qaar ee R/wasaare Xasan kheyre oo u muuqday in uu si toos ah ugu hanjabayay Madaxda Maamul gobaleedyada.

Sidoo kale Caalim ayaa shaaciyay in Hanjabaada R.wasaaraha aysan xiligaan munaasab aheyn waxaana uu tusaale usoo qaatay marxalada dalka uu marayo dagaaladii laga soo gudbay iyo in ay haboon tahay in Xukuumada Soomaaliya ay ka shaqeyso midnimada umada Soomaaliyeed.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA CAALIM:

http://badweyntimes.com/wp-content/uploads/2017/10/Caaalim-22.mp3

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : #ilwareedonline

The post Maxamed Caalim “R/W Xassan Kheyre oo u muuqday in uu si toos ah ugu hanjabayay Madaxda Maamul gobaleedyada…” appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author