Maxaabiistii ugu badneyd ee ku xirneyd dalka Itoobiya oo berri Muqdisho laga dejinayo

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde waxaa maalinta berri ah laga dejinayaa maxaabiistii ugu badneyd ee ku xiraneyd muddo sanooyin ah xabsiyada dalka Itoobiya.

Warar ay heshay shabakadda Somaliweyn oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inay caawa bilaabatay munaasabad lagu soo dhoweynayo maxaabiistaasi, kuwaasi oo tiradooda ku dhow 100-maxbuus.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa maxaabiista ku soo dhoweynaya madax ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ka mid yahay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, ehelada maxaabiista iyo dadweyne fara badan.

Maxaabiista laga keenayo dalka Itoobiya ayaa intooda badan ku eedeysan inay dalkaasi si sharci darro ah ku galeen, iyadoo cafiska dowladda Itoobiya u fidisay uu yimid kaddib heshiis labada dowladood ku dhex maray magaalada Addis Ababa.

You might also like More from author