Maxaa ka soo baxay kulamadii xalay ka dhacay Cadaado?

Ilwareed Online

Magaalada Cadaado xalay ilaa saakay waxaa ka soconaya kulamo la isugu waabariistay, oo looga hadlayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaaladaasi ee u dhaxeysa Madaxda maamulka Galmudug.

Madaxtooyada Galmudug iyo qaar ka tirsan Hotelada ku yaalla magaalada Cadaado xalay lagama seexan, waxaana ka soconayay kulamo gooni gooni ah, oo looga arrinsanayo sidii biyo qabow loogu shubi lahaa xiisada kacsan ee ka taagan magaalada Cadaado.

Wafdigii xildhibaanada ahaa ee shalay ka tagay Muqidsho ayaa ku howlan weli marba in ay qaabilaan garbaha madaxda ah ee isdiidan, kuwaasi oo la doonayo in mad madowga ka dhexjira nabad lagu dabaalo.

Wararka ayaa sheegaya in xalay hooyaad uusan ka jirin Madaxtooyada iyo Hotelada qaarkood oo wadooyinka waa weyna ay isticmaalayeen Gaadiidka ay wataan Madaxda iyo kuwa dagaalka oo ay saaran yihiin Ciidamo hubeysan, kuwaasi oo u kala gudbaya dhinacyada uu wada hadalka u dhaxeeyo.

Xildhibaan Warsame Joodax oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in kulamo isku soo dhowaansho ah ay la qaateen Madaxda maamulka Galmudug oo khilaafka uu ka dhaxeeyo.

Wariyeyaasha ayaa xalay looga yeeray Madaxtooyada halkaasi oo ay ku sugnaayeen mudo saacado ah si warbaahinta loola wadaago wada hadalka labada dhinac, inkastoo markii dambe loo sheegay in kulamada ay qaadanayaan waqti kale oo dheeraad ah, sidaasina ay dib ugu soo laabteen guryahooda.

Saakay waxaa la filayaa in si wadajir ah ay u soo saaraan dhinacyada uu wada hadalka u socdo war murtiyeed uu ku cad yahay waxyaabihii ay ku heshiiyeen labada dhinac, inkastoo uu dib u dhac ku imaan karo, maadaama wada hadalka saakay socda uu waqti kale qaadan karo.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in maanta magaalada Cadaado ay tagayaan Wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, si ay ugu biiraan wafuuda ku sugan magaalada ee ku baxay xaalada siyaasadeed ee ka jirta Galmudug.

Wafdiga ku wajahan Cadaado ayaa waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha Howlaha Guud Axmed Qoor Qoor, Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer, Xildhibaan Yuusuf Geelle Dhagey iyo xildhibaano kale.

Shacabka reer Galmudug ayaa ku wareersan sida ay xaaladu tahay oo ay wax u socdaan, waxaana qaarkooda ay sheegayaan in Dowladda ay faragelin ku heyso siyaasadda Galmudug, halka qaarka kalena ay sheegayaan in masuuliyiinta Galmudug aysan is ixtiraameyn loona baahan yahay isbedel.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Maxaa ka soo baxay kulamadii xalay ka dhacay Cadaado? appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author