Masuulka loo magacaabay maamulka Muqdisho ma yahay midkii mudnaa mise waa lagu fududaadey?

Saf balaaran oo isbadal ah ayaa dhacey, rag badan ayaa daaqada laga saarey, looma Aabbe yeelin mid wax qabtey, si isla eg oo siman ayaa loo ceyriyay ma-noogihii waxtarka badnaa iyo hurda weynihii wax matara ahaa, wajiyo aan cusbeyn oo qaarkood horey looga soo caajisay ayaa badan ahaan ku soo baxay isbadalka lagu dhaqaaqay.

Xilka ugu hadal haynta badan waxaa helay Qurbe jooge la yiraahdo Md. Taabit Cabdi Maxamed oo nasiibkiisa u ogolaadey in loo magacaabo Gudoomiyaha cusub ee G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, xaalad kala kaan ah oo isugu jirta soo dhaweyn Our online store has gathered all the best medical deals on the market. This way, you can get your cialis Sublingual for as much as 1.68 USD and save a significant sum! iyo diidmo ayuu masuulkaan kala kulmay bulshada Soomaaliyeed.

Taageerayaasha la dhacsan Gudoomiyaha la magaacabay ayaa aaminsan in Duqa da’da yar uu wax badan ku soo kordhin doono maamulka Magaalada Muqdisho, fekerkaasi waxaa mid ka duwan rumeysan xooggaga dhaliilsan magacaabistiisa kuwaasi oo ku doodaya in magacaabista Duqa cusub lagu fududaadey {deg-degay}.

Liis dheer oo ay ku qornaayeen musharxiin fara badan oo u taagnaa qabashada xilka Gudoomiyaha G/Banaadir ayaa Taabit laga soo dhex doortey, ruug cadayaal ka mudnaa iyo qaar uu isagu ka muhiimsanaa ayaa baadi goob ugu jirey hanashada jagadaasi.

Saaxiibtinimada uu la lahaa Madaxweynaha ayaa Gudoomiyaha cusub u sahashey in loo ikmado qabashada xilka ugu sareeya ee caasimadda Soomaaliya, Haddaba waxaa is weydiin mudan Taabit ma yahay masuulkii ugu mudnaa ee loo magcaabo maamulka G/Banaadir mise waa lagu fududaadey?

WQ: C/;aahi Xasan Axmad Shiikhaalow

 

You might also like More from author