Masuuliyiin ka tirsan maamulka Konfur-Galbeed oo Al-shabaab ku eedeeyay in ay gubeen raashin gargaar ah oo loo waday dad dhibaateysan

Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyey gubeen raashin gargaar ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay abaarta ku saameysay degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Gargaarkan ayaa la sheegay in lagu waday gaadiid, waxaana la doonayay in la gaarsiiyo dadka ay ku habsatay abaaraha.

Guddoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool C/llaahi Yariisow ayaa sheegay in magaalada ay go’doon ku jirto isla markaana aysan jirin wax soo geli kara.

Waxaa uu intaa ku daray in 28 gaadiid ah oo raashin u siday dad shacab ah ay dab qabadsiiyeen Al-shabaab ka dib markii ay wadada u galeen.

C/llaahi Yariisow Are you in need of cheap Avana, but unable to find it? Buy in for just 4.33 right here! ayaa talaabada ay Al-shabaab ku gubtay raashiinkan ku tilmaamay mid ka baxsan shareecada Islaamka iyo bani’ aam-nimada wuxuuna ku baaqay in deg deg wax looga qabto.

Al-shabaab weli kama aysan jawaabin eedeymaha loo jeediyey ee ku aadan iney dab qabadsiiyeen raashiin gargaar ah oo loo waday dad baahan.

You might also like More from author