Masjid Rag & Dumar Kuwada dukanaayaan oo Jarmalka laga furay

Wargeyska Daily Mail ayaa soo bandhigay warbixin iyo sawiro uu ku sheegayo in dalka Germany laga furay Masjidkii ugu horeeyay ee wadaag ah, oo ay ku wada tukanayaan suniyiinta, shiicada, ragga, dumarka iyo waxa ay ayagu yiraahdeen Gay_Muslim, waxana laga mamnuucay in haweenku qaataan xijaab marka ay tukanyaan, waxaa imam looga dhigay Islaan qaawan oo xukminaysa in raga iyo dumarku isku dhex tukudaan.

Germanay waxaa ku nool 4,Million oo muslimiin ah kuwaasoo badi ka soo jeeda Turkiga, bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika, hadana ayagoo illaashanaya magangalyadooda ayaa laga yabaa inay u hogaansamaan dhaqankaan foosha xun ee lagu ba’sanayo diinteena islaamka ah, Muhiimada dhismaha gurigan loogu magacday masjidka Ibn Rushd-Goethe ayaa lagu sheegayaa in lagu difaaco Dimuquraadiyadda, wuxuuna ku dhexyaalaa kaniisad ku taala gudaha baarliin.

http://www.dailymail.co.uk/news/article-4611880/Germany-opens-liberal-mosque-Berlin.html

Src Jomale.
Xigasho:Mowliid Ismail Diged

The post Masjid Rag & Dumar Kuwada dukanaayaan oo Jarmalka laga furay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author