Masar oo walaac ka muujisay Saldhiga Milatari ee Turkey ka sameysanayo Soomaaliya

Kaaliyaha Wakiilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Africa u qaabilsan dowladda Masar Muna Cumar ayaa halis ku tilmaamtay Saldhiga Milatari ee Turkey ka sameysanayo Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in Turkey aysan Saaxiib la ahayn Masar iyadoo ku eedeysay in ay garab siiso Waxa loogu yeero Argagixisada , sidaas daraadeed ayey muujisay walaaca ay ka qabto in Saldhigaasi uu saameyn ba’an ku yeesho Amniga Masar iyo Carabta inteeda kale.

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2016-04-01 07:51:53Z | | ÿñÿÿÿôøùÿûü÷ÿáo©%Jð

Turkey ayaa sheegtay in dhawaan Madaxweynahooda Raccep Tayyep Erdogan uu xariga ka jari doono Saldhigooda Milatari ee ugu weyn oo ay ku leeyihiin Dibadda kaas oo ay ka sameysteen Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde, waxaana Saldhigaasi oo la dhagax dhigay Bishii March 2015 uu ka koobnaan doonaa Dugsiyo Milatari, Bakhaaro lagu keydiyo Hubka iyo Saanadda iyo weliba Dhismayaal Guri.

Dhismaha Xaruntaan ayaa ku kaceysa 50 Million dollar.

The post Masar oo walaac ka muujisay Saldhiga Milatari ee Turkey ka sameysanayo Soomaaliya appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author