Markab ku soo caariyay agagaarka dekedda Muqdisho

Markabkan oo magaciisu Don’t skip this ad, because it will provide you with the best citalopram purchase solution! Buy it now for 0.76 USD today! yahay MSC Postano ayaa maanta duhurkii la doonayay inuu ku soo xirto Dekeda, balse cilad haleeshay matoorka markabka iyo farsamo la’aan ayuu ugu soo xiran waayay Dekeda.

Waxaa aad u yar rajada laga qabi karo in Markabka ku xirto Dekeda, waxaana wali socda dadaalada la doonayo in Markabka loogu soo jiido dhanka maraakiibta ay ku xirtaan.

Markabka ayaa haatan sabeynaya xeebta meel u dhow Isbitaalka Martiini iyo Xabsiga Muqdisho, waxaana badda oo biyo yar darteed ay suura geli la’dahay in loo jiido dhanka Dekeda.

Dekeda Muqdisho ayaa laheyn Taag badan oo maraakiibta u soo jiida, halkii loogu tala galay inuu ku soo xirto, waxaana jira illaa saddex Taag oo horay dowladda Jabuuti ugu deeqday Soomaaliya.

Shirkadda gacanta ku heysa Dekeda Muqdishi ee Albeyrak ayaa lagu dhaliilay in aanay wali keenin Taagag badan oo maraakiibta ku soo xira Dekeda, marka laga reebo inay isticmaasho saddexda Taag ee Jabuuti ugu deeqday Soomaaliya.

Qaar ka mid ah shaqaalaha ka howl gala Dekeda Muqdisho ayaa sheegaya in sababta Markabkan ugu soo xiran waayo Dekeda ay tahay, in wali aan dayactir ballaaran lagu sameyn halkii maraakiibta ku soo xiran laheyd, iyadoo wali ay muuqato bur bur gunta hoose ah meelaha maraakiibta ku xirtaan, oo horay dhibaato uga soo gaartay dabeylihii Tsunami.

Shirkadda Albeyrak oo labo sanno ka hor la wareegtay maamulka Dekeda Muqdisho ayaa ka sokow ballaarinta ay ku sameysay banaanka Dekeda ayaa waxaa jira wali in aanay keenin agabyadii loogu baahnaa soo xirashada maraakiibta, iyadoo aanay hal mar suura gal aheyn in illaa shan Markab ku soo xirtaan Dekedda.

You might also like More from author