Mareykanka oo Howlgalka AMISOM Ku Wareejiyay Gawaari Dagaal+Sawirro

Ilwareed Online

Howlgalka Midowga Africa Soomaliya ee loo yaqaano AMISOM ayaa dowladda Maraykanka ka gudoomay 19 Gawaarida dagaalka, kuwaa oo loogu talagalay in sare loogu qaado awooda lagula dagaalamayo Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Munaasabadda wareejinta gawaaridaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan Brig. General Miguel A. Castellanos iyo taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya Brig. General Muhanga Kayanja.
General Castellanos ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay ka go’an tahay kor u qaadista dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, isagoo sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono Gacan siinta howlgalka AMISOM.
Taliyaha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlagalka nabad ilaalinta ayaa soo dhaweeyay Gawaaridaan dagaal ay ka heleen dowladda Mareykanka.
Brig. General Muhanga Kayanja ayaa sheegay inay dhibaato kala kulmaan ciidamada AMISOM miinooyinka dhulka lagu aaso kuwaa oo khasaaro uu ka soo gaaro, wuxuuna codsaday in si deg deg ah wax looga qabto arintaaasi iyo kor u qaadista qalabka lagama maarmaanka u ah howlagalada ciidamada AMISOM.
Dhanka kale Maraykanka ayaa gaadiidkaan dagaal soo daba dhigay qalabkii lagu dayactiri lahaa, iyadoo qalabkaasi oo dhan lagu wareejiyay Howlgalka AMISOM.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Mareykanka oo Howlgalka AMISOM Ku Wareejiyay Gawaari Dagaal+Sawirro appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author