Mareykanka oo doon doonaya Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab lacago badana madaxiisa dul dhigay.

Ilwareed Online

FBI-da Mareykanka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Malaayiin Lacag ah Madaxiisa la dul dhigay Hogaamiye sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Hogaamiyahaan la baadigoobayo ayaa Magaciisa lagu sheegay Jihaad Mustafa,waxaana Al-Shabaab dhexdooda looga yaqaanaa Anwar Al-Ameeriki,iyadoo FBI Mareykanka Madaxiisa ay dul dhigtay Lacag dhan 5 Milyan oo Dollarka Marerykanka ah.


Dhanka kale Anwar Al-ameeriki oo ah 35 Jir ayaa la sheegay inuu yahay Hogaamiyaha Ajaanibta la joogta Al-shabaab,waxaana FBI Mareykanka ay sheegeen inuu badali doono Hogaamiyaha Guud ee Al-qaacida, iyadoo Dowladda mareykanka ay sheegtay in Nolol iyo Geeri intaba la doon doonayo Jihaad Mustafa.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Mareykanka oo doon doonaya Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab lacago badana madaxiisa dul dhigay. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author