Mareykanka iyo Shiinaha oo iska kaashanaya taageerida Dowladda Somalia

Safiirada Dalalka Mareykanka iyo China u fadhiya Magaalada Muqdisho, ayaa kulan ku yeeshay Caasimada Soomaaliya, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen arimo ku saabsan Dowladda Soomaaliya.

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Muqdisho, Stephen Schwartz ayaa waxuu sheegay in kulanka uu qaatay Safiirka Shiinaha uu ahaa mid wanaagsan, islamarkaana lagu soo hadal qaaday Xaalada Dalka Soomaaliya.

Mr. Stephen ayaa waxuu carabka ku dhuftay in dhigiisa Dalka China ay isla garteen in muhiim ay tahay in labada Dowladood ay ka wada shaqeeyaan sidii loo taageeri la haa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ka mid ah Dalalka inta badan taageeraha siiya Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

The post Mareykanka iyo Shiinaha oo iska kaashanaya taageerida Dowladda Somalia appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author