Maqaal: Horumarka iyo barwaaqada ka jirto degaanadaPuntland

Dadka u dhashay degaanada Puntland waxay kamid yihiin amaba la dhihi karaa hormuud bay ka ahaayeen gobonimadoonkii iyo xoriyadii dhulka soomaaliyeed ee gumaystuhu kala qaybsaday sanadihii 1884.waxay kamid ahaayeen oo wax ladhiseen walaalahooda soomaaliyeed dawladii la yagleelay 1960 kii.Waxaysan rag iyo dumar mar walba u kala harin difaaca diinta,dalka iyo dadka soomaaliyeed.Waxay ku caan baxeen jacaylka sharafka iyo qayimka dawladnimo oo aan bulshada caalamka ee casriga ah u saamaxaynba in ay noolaadaan dawlad la aan.Ilbax weeye soo jireen ah qarniyaal ilaa xiriirkii faraaciyiinta ay la lahaayeen dhulkeena soomaaliyeed ee puntland.

Hadii soomaaliya burburtay dawladii dhexe 1991 dii,dalkuna ku soo dhacay dagaalo sokeeye iyo burbur dawladeed waxay markiiba ku talaabsadeen laba arimood oo ah inay marka hore bad baadiyaan shacabka dagaanadan puntland ku nool oo u dhisan maamul iyo sharci,maxaayeelay dawladii amaankooda sugi lahayd ayaa ka baxday meeshii sidaaa daraadeed waxay fahan sanaayeen in ay dhacayso in dadku is dilo,is dhaco,lawaayo tacliin amaan iyo hormar oo arintu noqonayso jaantaa rogan.Tani waxay keentay inay caymiyaan shacabkoodii oo u dhisaan gole badbaado kaasoo markii danbe durba yaqleelay dawladaa hana qaaday ee calanku u bilig leeyahay ee puntland.

Wixii rag u kaco rabina aqbalo waa ruboobaan ragii u dhashay iyo gab dhihii u dhashay dagaankaan ayaa u kacay maamulba maamul badalay lahelay tacliintii hoose iyo tii sare lahelay ganaacsi lahelay ciidan xoogleh oo difaacay si buuxda shacabkooda kana ilaashaday cadawga gudaha iyo kan dibadaba. puntland waxay leedahay dekad caalami ah garoon diyaaradeed oo calami ah waxay leedahay caasimad amaan ah waxay leedahay shacab iyo dawlad isku xiran oo ilaashanaya dalkooda.

Maabaadiida iyo doorka puntland ee dalkeena soomaaliyeed.

Horaan u sheegay puntland waa dad soomaaliyeed oo ah wadani.Waxay dhiseen dagaanadoodii kadibna waxay baadi goobeen walaalahooda soomaaliyeed oo siiyeen garab iyo gacanba inay helaan amaan iyo kala danbayn si soomaaliya u soo ceshato dawladnimadii iyo kala danbayntii oo u noqono dal leh dawlad buuxda oo rasmi ah.Puntland gacana iyadaa isku dhisaysay gacana danta guud ee soomaaliya ayay ku dhisaysay.Puntlad waa gobolada kaliya ee mogdisho u soo diray ciidan xoogleh oo ku guulaystay in ay caasimadi dalkeena ka dhigaan meel dawladi dagi karto oo ku shaqayn karto taasoo madax tooyadii dalka laga xukumi jiray dib u soo celisay oo dib u furtay si maamulkii yimaadaa ugu shaqeeyo.dadka mogdisho halkii ay garab kusiin lahaayeen walaalahooda usoo gurmaday oo la raba amaan iyo kala danbayn in mogdisho hesho oo soomaali sharafteedii soo ceshato ayay wiilashii usoo gurmaday baabi iyeen oo ceebtaad ogeeydeen ku faleen oo dhulka ku jid jiideen maydkoodii!! Tani waa uun badawnimo halkii u danbaysay iyo ceeb.Hayeeshee puntland way ku faanaysaa hadana uuguma horayn inay u dhintaan oo loolaayo jiritaanka dawladnimada iyo sharafka soomaaliyeed markaa waa ku faraxsanahay guda shada waa jibka naga saaran dalkayaqa soomaaliyeed.

Mabaadiida dawlada iyo shacabka puntland waa laba kala ah sidan

1. dhisida puntland 

2. in lahelo dawlad soomaaliyeed oo xoog leh hanata dalka oo dhan oo mid ah.

      DOORKA PUNTLAND DAWLADA MAANTA JIRTA

Puntland mabaa diideeda ayaa ah dawladnimo,sidaa daraadeed sidii caadada u ah oo lagu yaqaan waxay hiil iyo hooba la garab taagan tahay in ay hana qaado dawladan curdanka ah ee inoo dhaltay maanta ee uu hogaaminayo madaxwayne Don’t waste your time searching for cheap Himcolin! You can buy it for $40.75 right now! FARMAAJO.Puntland hore ayay u ogeeyd in dalkaani u baahan yahay dawlad dhexe oo fadaraal ah oo xoogleh dalkoodhana amankiisa gacan ku qabata.diyaar baan u nahay dhaqaale ahaan,ciidan ahaan,aqoon ahaan in aan u dhimano sidan horaba u yeelay danta dalka diinta iyo dadka soomaaliyeed.dawlada puntland iyo shacabkeeda hormuud bay u yihiin xasilinta caasimada iyo dalka guud ahaantiiba,mana aqbalayno cadaw kasta oo nakala qoqobaya oo hor istaaga dawladnimadaa curatay. puntland waxay ka xuntahay mudo dheer halka maanta soomaaliya taalo xag dawlad,xag amaan,xag tacliin,xag dhaqaale,oo ah meel madhan oo baaba ah.

Puntland madaxwayne maanta kama aha dawlada dhexe,raysal wasaarana kama aha dawlada dhexe,diyaar bayna u tahay dhisida iyo difaaca qaranka soomaaliyeed.waxaase yaableh qolooyinka mogdisho dagan ee duruufuhu wareer sheen ee doonidu la ciirayso inay meel cidla ah ka xag xaganayaan puntland!!! oo mid kamid ah kuwan saska ka qaba ciidan iyo dawladnimadaba,hadana dhex fadhiya meel aan shaqdiisiiba lagu haynin oo ku dhux lulmooda maalin walba lana qabsan la ilaa hada, ayaaba leh dayaay puntland waxbaa lasiiyoo way noo shahay ee!! wuxuu xarbi ugu jiraa in uu hor joogsado nicmadaa illaahay nasiiyay ee aan durduuranayno,waxaase yaab leh sida uusan waxba uga qaban karin oo u hor istaagi karin haba iska murugoodee!! waxaa iyana dhinac socota in Mogdisho ka shaqaynayso iska horkeen puntland iyo dawlada dhexe ee fadaraalka ah! iyagoo naftooda ku raali galinaya bal in ay intaa kusii jiraan yalaxoow system koodii. Laakiin mogdisho waxay is moogaysiinaysaa ilbaxnida filka wayn ee puntland taasoo aan cidna loo isticmaali karin waxna loo yeerin.

Puntland waajib iyo xil saaran weeye in aan bad baadino dalkeena soomaaliya oo ka qayb qaadano amaanka iyo kala danbaynta dalka.ninkii hurda isagay u taal laakiin waxay ila tahay wax waliba xili bay leeyihiin hada inay dhamatay waxaan u qaan yalaxoow system ee dalkaani soomaray 1991-7.2.2017.Puntland waa gobolo barwaaqo ah leh laba badood iyo dhul aad u weyn.waa dhismaysaa waana hormaraysaa illaahay idimkiis intaa iyo kabadana waxaan la doonaynaa tuulo,degmo,iyo gobolkasta oo dhulkeena soomaaliyeed inay helaan.waxay puntland hormuud u tahay ina heelan tahay in dalkeena lagu soo dabaalo kala danbayntii dawladnimo iyo haybadii qaran ee luntay waayadan.waxay taageero buuxda lagarabtaagan tahay dawlada dhexe ee soomaaliyeed iyo madaxdeeda sida FARMAAJO IYO KHAYRE oo ah laba nin oo u kacay dalkoda samatabixintiisa hayana wadadii guusha soomaaliyeed. soomaaliya maanta way ka gudubtay qabiil iyo gobolaysi khaldan,waxay u gudubtay midnimo iyo dawladnimo buuxda mana kalaabanayno gacmaha cidkastoo ka hortimaada dawlada oo hor istaagta in soomaaliya hesho dawlad shaqaysa oo hanata dalka oo dhan.soomaaliya dal iyo dibadba haloo istaago halganka maanta dagaalkuna waa dawlad doon iyo dawladiid.

You might also like More from author