Maqaal: Dood laga keenay go’aanka beerta Nabada ee gobolka Banaadir

IS FAHAMKU WAA QAALI: Waxaan arkay dood laga keenay go’aanka beerta Nabada ee gobolka Banaadir. Guddoonka Banaadir oo uu ugu horeeyo Thabit Ab waan ku bogaadinayaa in dhaqaalaha ay ka dhaafaan shacabka, waxaanse jeclahay dadka dooda kasoo horjeeda arrintaasi qaba inay iiga jawaabaan garnaqsi ka duwantooda, oo aan qabo. Haddii aragtidooda dan guud tahayna waa isla heli doonaa wadada saxan;

1. Ganacsatada beerta nabada, ma lacagta lagu soo gelo ayaa u faa’iido badan, marka la barbardhigo mida ay ka helaan dadka wax ka iibasada meheradaha ay meesha ku leeyihiin ?

2. Hal dollar oo gelis ah iyo 10 dollar oo raashin aan gudaha wax uga cuno midkee u roon dadka meeshaasi ganacsiga ku leh?

3. Isbitaal digfeer in lacag lagu galo waa tii ay bulshada Soomaaliyeed diiday, taasina markii danbe maamulka gobolka Banaadir uu joojiyey, haddana haddii Beerta nabada lacagtii shacabka danta yar laga dhaafay, maxaa keenay bulaanka iyo dooda aloosan? Mise Digfeer turki ayaa loo arkay, kuwana Soomaali? Haddii ay sidaasi tahayna sow markaasi cunsuriyad noqon meyso? BAL ADBA!!?

4 . Iyaddoo lacag gelis la iga qaadin miyeysan ganacsatada beerta nabada ilaalin karin quruxda meeshaasi? Mise lacagta quruxdaasi lagu ilaaliyo waa un mida galista? Maxay mida wax looga iibsado ku baxdaa? MOOJI!!?.

5. Gobolka haddii uusan ganacsatada kala wareegin meheradahooda, balse uu lacagta gelista ka joojiyey, muxuu dhimay? ileen haddii hishiiskii meesha inay dhex ganacsadaan laga noqdo dood kale ayaa ka imaan laheyde!?

Waxaan aniga qabaa lacagtaasi dood yeysan inagu noqon, ee aan maamulka iyo ganacsatada ku tijaabino inay howsha dhowrista quruxda meeshaasi sii wadi karaan, iyaddoo aan hal dollar lagu xirin. Haddii uu dabac dhinaca bilicda ah yimaado hala baaro dhanka uu ka yimid, ma maamulka gobolkaa mise ganacsatada? kadibna sidii wanaagsan ha la isku raaco.

The post Maqaal: Dood laga keenay go’aanka beerta Nabada ee gobolka Banaadir appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author