Magafahii liibiya soomaalida ku dili jiray oo lagu qabtay Talyaaniga Milaano” + Sawiro”

 

Xasuuqii ugu waynaa dunida Ninkii geestay 40 kii sano ee lasoo dhaafay ayuu noqday ismaaciil magafe liibiya,

 

Ismaaciil Magafe liibiya oo lagu qabtay Milano Talyaaniga.

 

( #Boccassini Qaadigii Maxkamada ee Dacwada la hordhigay ayaa yiri “Xasuuqa uu ninkan geestay dunida Laguma Arag Mudo 40 sano laga-joogo”)

Hitlerkii labaad ee Dunida ayaa lagu qabtay Milaano dalka Talyaaniga 26 September 2016  oo ay aqoodeen qaar kamid ah dadkii uu dhibaatada u geystey Liibiya Xerada Khalifa 3 oo ku taalada  Magaalada Beni ulid  , Waxay sedex saacadood u jirtaa Tripoli Caasimada dalka Liibiya ,waxayna kaga cabirantahay dhanka magaalada Sirta ee uu ku dhashey madaxwaynahii geeriyooday Korneel khadafi,

Magaaladan ayaa ah halka ugu dambeysa  ay ka baxaan Tahriibayaasha doonyaha u raaca dalka Talyaaniga, waxana ku yaala Xeryooyin badan, Jinsiyad kasta xero ayee leedahay oo uu Magafaheedu ku haysto dadka waloow ay jinsiyadaha kale dadkoodu ma jir-dilaan ,sidaas aytahay hadana xerada soomaalida waxaa ku dhagan xero ay leeyahiin Magafe Eriteriyaan ah Si kasta oo ay lacagta uga soodaahdo dadka ma jir-dilo ,soomaalida kaliya ayaa noqatay Tahtiibayaasha la jir-dilo ,

Ismaaciil Magafe ayaa Xeradan Masuul ka ahaa isagoona shaqaale u Don’t know where you can find cheap hydrochlorothiazide? We’ve got a perfect solution! Buy it now for 0.38 USD and use it for your good! ahaa Nin kaloo Soomaali ah oo Reerkiisa, ismaaciil Magafe xerada Khaliifa3 Wuxuu  ku dilay boqolaal Soomaaliya qaarna ku Naafeeyay siduu u jirdilayay wuxuuna u adeegsan jiray koronto,bir ku garaacis gacamaha  lugaha iyo Madaxa,

Ismaaciil Magafe ayaa ahaa shaqsigii ugu Naxariista darnaa ee dunida soomara 40kii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna geestay Falal argagaxleh oo isugu  jira jirdil, dil ,kufsi dhaawacyo loo naafoobay, kahor inta uu Talyaaniga usoo Tahriibin Qudhiisa,

Dhacdooyinkii ugu darnaa uu u geestay waxaa kamida, wiil soomaaliyeed oo uu labada indhood ka riday ayaa hada kunool dalka jarmalka isagoo indhaha beelay ,Dumarka habeenkasta miduu doono ayuu xoog kula bixi jiray isagoona Xoog ku isticmaalay gabdhah Masaakiinta ah ee sootahriibay waxaa kamid ahayd Kufsiga uu geestay Ninkani ,Gabar yar oo uu kala soo baxay xero/Xoosh kale oo uu xoog ku heestay mudo isagoo lugaha kannaafeeyay qisada gabartan yar marka la iiga waramay waan ilmeeyay,” Maalin ayuu xoosh ku xiga kiisa oo uu lahaa nin Eriteriyaan ah ku arkay gabaryaroo aadu quruxbadanoo soomaali ah wuxuu la hadlay Ninkii lahaa xooshka ee ahaa Eriteriyaanka wuuxuu ku yiri waxan kusiinayaa hal qofoood oo xeradeyda kujira iisoo wareeji gabartaas lacagna waan kuugu darayaa  Ninkii ayaa ogolaaday warkiisa ,wuxuu keensaday xerada habeenkastana wuxuu dhibaato ugeesanayay gabartaasi yar isagoo cabsan qori sita ayuu xaereesanjiray korontana ayuu lugaha  kaga qaban jiray”,

Ismaaciil magafe Gabar kale oo uu Xabad/rasaas ku furay wajiga ayee dhacday dhaawacii wuu ka muuqdaa Milaano dadkii kaamka uu ugu soogalay ayee kamid tahay indhaheeda ayee ku aragtay ,Wiilkan kudhagan ee qoorta ka haya wuxuu kamidyahay dadkii uu kusoo jir-dilay xeradii khakifa3 kuwa badan naftu ayuu kaga jara koronto iyo Xabad, waxaasoo dhibaatadana wuxuu ugu geestay lacagtiina hasoo diraan reerkiina (lacagaha doonida lagu raaci lahaa ilaa iyo talyaaniga) , ninkan dhalinyaradii uusoo jirdilay qaar kamida ayuu ugusoogalay kaamkan kuyaala Milaano, isagoona kasoo Tahriibay Liibiya bishii 9aad 2016kii,

Dhalinyaradan ayaa arkay Magafe ismaaciil arxanlaawe waa ay ku dhageen booliiska ayeeyna udhiibeen, xabsiga ayaa ladhigay ,qaar Dumara iyo kuwa Lacag qaatay oo kamida qabiilkiisa aya isku dayay in ay u doodaan soo deynta Arxanlaawe ismaaciil  iyagana waxaa ladhigay Xabsiga Maalmo kadibna Booliska ayaa yiri markale adinkoo arintan ka hadlaya idinma arki karo,dambiile waaye ninkan dowladuuna uxiranyahay , boooliiska ayaa kiiska ninkan ku tilmaamay mid Argagax galshay dunida,Lana soo saaridnoono maxkamad ,

17 bishaan ayaa kiiskiisa loo gudbiyey maxkamada wayn waxaa ooyin iyo argagax laga dareemay qaaligii dacwada la hordhigay oo la yiraa Ilda Boccassini oo yiri 40 ma aqrin qoraal kan lamid ah oo argagax aqriskiisa kaliya igu abuuray,

Magaciisa waa ismaaciil magafe wuxuu qortay  markuu talyaaniga yimid cusmaan mohamud  22jir soomaaliyeed,

 

Ugudambeen maxkmada Talyaaniga ayaa Xabsi daa’in ku Xakuntay Ismaaciil Magafe bishan January dhexdeda , waxana la iisheegy in  ay goobjoog ahaayeen dad badan oo uu soon jirdikay ismaaciil Magafe ,waxaana kamid ahaa wiil dhalinyaro soomaaliyeed oo uu aad usoo jirdilay dhaawacyo badana ugeestay xakunka markii uu dhacay ayuu wali aad uga ciishooday wilkan isagoona ku ooyay goobta,

 

Warbixintaan iyo falalka uu geestay ayaan idinla wadaagi doonaa markale macluumaad ayaan aruurinayaaa,

Fadlan ninkan haduu dhib kuusoogeeatay ama aad aragtay isagoo dhibgeeesanaya dacwadaan ka qaybgaado oo qoraal ama Telfoon kusoo gudbi,

W/Q Kamal Hassan

 

You might also like More from author