Magaalada Muqdisho Oo xalay Heegan Adag La Geliyay Ciidamada

Waxaa la adkeeyay guud ahaan amaanka caasimada magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka laamiyada ah iyo jid cadayaaasha la dhigay ciidamo hubeysan oo dadka iyo gaadiidka baaraya, howlgalkaan ayaa sidoo kale qeyb ka ah ciidamada AMISOM oo fadhiisamo ku leh agagaarka taalada Siyadka iyo Daljirka Dahsoon.

Howlgal aad u xooggan oo shalay subax ka bilowday inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ilaa caawa socda, waxaana looga gol leeyahay in laga hortago falal qaraxyo iyo weeraro suuragal ah in Al-Shabaab geysato, iyadoo ay ku beegan tahay 17-ka Ramadan ee dagaalkii Bedar.

Kooxda mayalka adag ee Alshabaab oo looga bartay caadiyan inay xoojiso weerarrada iyo qaraxyada ay qaadaan bishan Ramadaan iyo maalinta ku beegan dagaalkii Beder, waana sababta sida weyn loogu adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho.

The post Magaalada Muqdisho Oo xalay Heegan Adag La Geliyay Ciidamada appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author